Maxaa sababay xilka qaadista deg dega ah ee Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska RW?

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan sababihii keenay in deg deg  xilka looga qaado Xoghayihii joogtada ahaa maalmo ka hor loo magacaabay xafiiska RW Somalia.

Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha ahna RW ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xilkii ka qaaday Xoghayaha joogtada KMG ah ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Cabdirisaaq Xuseen Aadan

Wiilkan oo ay isku heyb yihiin Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna waxaana si lama filaan ah xilkan loogu magacaabay markii uu iscasilay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan…”ayuu yiri Ku-simaha RW

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in xilka ka qaadista Cabdirisaaq Xuseen Aadan ay ka dambeysay ka dib markii uu isku dayey inuu xoog kula wareego Gaari nooca aan xabada karin oo uu lahaa La-taliyaha Ra’iisal Wasaarihii hore Yaxye Cali Hareeri kaasoo yiilay xarunta Madaxtooyada, waxaana arrintaas ka dhashay muran xoogan oo sababi gaaray in ciidamo kala taabacsan labada nin ay ku dagaalamaan gudaha Madaxtooyada.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegay in murankaas uu gaaray Madaxweyne Farmaajo iyo ku simaha RW oo ugu dambeyn isla gartay in shaqada laga ceyriyo Xoghayihii joogtada ee xafiiska RW oo xilkaas hayey wax yar muddo todobaad ah ka dib markii ay ku cadaatay inuu doonayey inuu xoog ku qaato gaariga Yaxye Hareri oo ay isku heyb yihiin RW hore Xasan Cali Khayre, isagoo adeegsanaya awooda Madaxtooyada.

Amarka xilka looga qaaday Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa la sheegay inuu si toos ah u bixiyey Madaxweyne Farmaajo oo diidanaa in loo arko dhacdadan mid qabiil loogu beegsanayo masuuliyiinta ay isku heybta yihiin RW hore Khayre.

 

- Advertisement -